We use cookies to give you the best possible online experience. If you continue, we'll assume you are happy for your web browser to receive all cookies from our website. See our Privacy & Cookie policy statement for more information on cookies and how to manage them.

Hanaanka Magan gelyada

Hanaanka magan gelyada macanheedu waa hanaanka codsigaaga heerka qaxoontinimo lagu go’aamiyo. Haddii, dhamaadka hanaanka, laguugu dhawaaqo in aad tahay qaxoonti waxaad yeelan doontaa xuquuqo dhowr oo ay ku jirto in aad degto Ireland, xaqa dhowr xubno qoyska ahi in ay kula degaan adiga iyo xaqa in aad shaqayso.

Foomka codsiga
Waxaa lagaaga baahanayaa in aad buuxiso foomka codsiga waxaana kaaga baahanaya Xafiiska Maamulka Codsiga Qaxoontiga (ORAC). Waxaa laga yaabaa in aad hadda ka horba tan samaysay. Warqadani waa aasaaska sheegashadaada magan gelyo aad bayna muhiim u tahay in aad si si buuxda ugaga sheekayso gudaha warqadda sababaha aad uga tagtay wadankaagii.

Waa in aad ku soo celisaa foomkaaga codsiga (ORAC) laba (2) wiig gudahood.

Waxaa si xoog leh laguugula talinyaa in aad iska diiwaan geliso Guddiga Kaalmadda Sharci, ama in aad si gaar ah u hesho talo sharci, ka hor inta aanad buuxin su’aalaha xog qaadista.

Haddii ORAC ay rumaysantahay in aad hadda ka hor ka codsatay magan gelyo wadan kale oo ka tirtan Midowga Yurub waxaa dhici karta in ay ka codsadaan masuuliyiinta wadankaas in ay xaqiijiyaan haddii ama ay hayaan sawiro farahaaga u dhigma. Haddii isku sawiro u dhigma la helo waxaa dhici karta in ORAC ay isku dayi doonto in ay kuu wareejiso wadankaas iyaddoo aan ka fekerin sheegashada magan gelyadaada. Waxaad haysan doontaa fursada aad rafcaan kaga qaadato haddii ay tani soo baxdo.

ORAC waxay ka fekeri doontaa codsigaaga magan gelyo in aad ku darto ilmo aad dhashay, oo ka yar 18 sano jir, kaas oo adiga Ireland kula jooga. Haddii ilamahaagu ama carruurtu ay leeyihiin baqdin kuwaas oo gaar ah ama ka duwan kuwaaga oo aanay caddayn karin taa, ka dib waa in aad ka fekertaa in aad codsi gaar ah u samayso iyaga. Waxaad ku dari codsigaaga baqdinaha aad hayso ee adiga kugu saabsan iyo ilmaha ama carruurta haddii lagugu celiyay wadankaagii asal ahaan aad ka soo jeeday.
Codsiga magan gelyada carruurta aan lala socon (Cid waddan)

Codsiga magan gelyada carruurta aan Lala Socon(la gaar yeelay)
Haddii aad (18) jir ka yar tahay oo aanu kula socon qof wayni waxay noqon doontaa masuuliyadda Wakaalada Qoyska iyo Ilmaha TUSLA) in ay go’aamiyaan haddii codsiga heerka qaxoontinimo laguu samayn doono iyaddoo magacaaga lagu hadlayo ama wakiil lagaa yahay. Sarkaalka TUSLO ee la doortay in uu codsiga sameeyo ayaa ku siindoona hagitaanka dhammaystirka foomka codsiga. Siddoo kale waxay kuu raaci doonaan waxii waraysiyo ah iyo dhegaysiyo oo dhaca iyagoo la xidhiidha sheegashadaada.

Waraysi
Marka ORAC ay ku hawlan tahay codsigaaga waxaa laguugu yeedhi doonaa waraysi. Waraysiga waxaa dhici karta in jadwal loo sameeyo marka aad iska diiwaan geliso ORAC.Turjubaan baa joogi doona haddii aad mid u baahato. Waraysi qaadahu waxa uu ku waydiin doonaa su’aalo ku salaysan xogta uu ka koobanyahay codsigaagu. Waa muhiim in aad in si buuxda uga sheekayso sababaha aad uga soo tagtay wadankaagii iyo sababta aanad ugu noqon karin. Wixii xog ah ee foomka codsigaaga laga tago ama waraysigaaga kama fikiri karto ORAC marka go’aankala gaadhayo haddii adiga laguu aqoonsan lahaa qaxoonti iyo haddii kale. Waa in aad taariikhdaada oo buuxda sheegtaa halkii aad ka sugi lahayd in waraysi qaadahu uu ku waydiiyo.

Dhamaadka waraysiga qoraaladdii waraysiga ayaa dib laguugu akhriyi doonaa waxaana lagu waydiisan doonaa in aad saxeexdo si aad u xaqiijiso in ay sax yihiin. Waxaa lagu siin karaa nuqul haddii ay siddaasi dhacdana waa in aad siisaa nuqul Guddiga Kaalmada Sharci ama la taliyahaaga sharci ee kale isla markaaba. Dhacdo kasta, waa in aad codsataa nuqul qoraalada waraysigaaga. Haddii waraysi qaadahu uu ku waydiiyo waraaqo ama xog in aad ku keento muddo go’an waa in aad siddaas yeesho. Wax warqad ah oo aad bixin karto si aad ugu taagerto sheegashadaada heerka qaxoontinimo waxa uu noqon karaa caawimo wayn.

Go’aanka Maamulka Codsiga Qaxoontiga
Maamulka loo xilsaaray ayaa go’aan gaadhi doonta haddii talo laga bixinayo in qaxoontinimo laguu aqoonsado iyo in kale. Go’aan gaadhida maamulku waxa uu ka fekeri doonaa qeexidda qaxoontiga.

Qaybta 2 ee Xeerka Qaxoontiga 1996 waxa ay sheegaysaa in uu qaxoontigu yahay;

“qof kaas oo, iyaddoo ay sababtu tahay caddayn sugana la hayo in uu ka baqanayo in la cadaadiyo, ay sabab u tahay isirka, diinta, dhalashadda, xubin ka ahaanshaha koox bulsheed gaar ah ama fikir siyaasadeed, uu wadanka ka maqan yahay uu u dhashay oo aanu awood u lahayn ama, iyaddoo ay sababtu tahay baqdin aan diyaar u ahayn in ay nafteeda ama naftiisa uga faa’iideeyo Ilaalinta wadankaa ....”
Haddii masuulku uu talo ku bixiyo in laguu aqoonsado qaxoonti waxaa lagugu soo wargelin doonaa warqad. Waxaad markaa warqad ka heli doontaa Adeega Sinjiyadda iyo Socdaalka ee Ayrishka xadidaysa xuquuqdaada.

Haddii masuulku aanu ku talin in qaxoonti ahaan laguu aqoonsado waxaa waraaq lagaaga soo dirayaa boosta diiwaan gashan oo kugu wargelinaysa in tan ayna soo dirtay ORAC,Waxaad yeelan doonta toban (10) ama shan iyo toban (15) maalmood oo shaqo laga bilaabo maalinta waraaqda in aad rafcaan ka qaadato haddii aad rabto in aad siddaas yeesho. Waxaad haysan doontaa 10 maalmood oo shaqo haddii aad ka timid Koreeshiya, Nayjeeriya ama Koonfurta Afrika ama ay ORAC ogaato in aad bixisay xog been ah, is khilaafsan ama marin hababis ah oo la xidhiidha codsiga magan gelyadaada. Kiisaska kale waxa ku habboonaan doontaa xadka wakhtiga15 maalmood. Kuwani waa xadad wakhti oo aad u adag. Waa in aad si degdega ula xidhiidhaa RLS ama wakiilkaaga sharci haddii aadka hesho ORAC warqad diidmo ah.

Rafcaan ka qaado Maxkamadda Rafcaanka Qaxoontiga (RAT)
Rafcaankaagu waxa uu noqon doonaa mid qoraal ah ama waxaad xaq u yeelan doonaa dhegaysiga hadal ah ee RAT. Haddii rafcaankaagu uu yahay qoraal keliya, waxaa lagu go’aamin doonaa gundhiga warqadaha aad u dirtay RAT adigu ama wakiil kaagu.

Rafcaan hadal ahi waa uu ka duwan yahay waraysiga lala yeelanayo ORAC. Waxaa ugu horayn su’aalo ku waydiin doona la taliyahaaga sharci ka dibna wakiil ka socda ORAC. Xubin ka tirsan Maxkamadda Rafcaanka Qaxoontiga, kaas oo ah qofka dhegaysanaya rafcaanka oo go’aanka gaadhaya, siddoo kale isna su’aalo in uu ku waydiiyo ayaa dhici karta.

Go’aanka RAT
Xubinta Maxkamadda Rafcaanka Qaxoontiga caadi ahaan waxa uu ku soo saari doonaa go’aanka dhowr wiig gudahood dhegaysiga ka dib. Go’aanku waxa u noqon doonaa mid uun in lagu taliyo in qaxoontinimo laguu aqoonsaday ama in aan laguu aqoonsan. Haddii Maxkamadda Rafcaanka Qaxoontigu uuyahay ogolaansho – taa waxa loola jeedaa in lagu siin doon qaxoontinimo, waxaa laguugu sheegi doonaa warqad ka timid RAT. Adeega Sijinyada iyo Socdaalka Ayrishka waxay siddoo kale kuu soo diri doonaan warqad ay kugu wargelinayso xuquuuqdaada. Haddii go’aanku yahay in la diido rafcaankaaga RAT waxay kugu la talin doontaa tan warqad ahaan.

Diidmida Qaxoontinimada
Haddii rafcaankaagii qaxoontinimada la diiday oo ay suurta gal tahay in aad warqad ka hesho Adeega Dhalshada iyo Socdaalka Ayrland (INIS) oo kuu sheegaysa in Wasaaradu ay doonayso in ay ku mastaafuriso. Waxaalagu siin doonaa afar doorasho oo kala ah:

1. In aad wakiilnimo ka samaysato Wasaarad 15 maalmood oo shaqo gudahood oo xadaynaysa sababata ay tahay in laguugu ogolaado in aad sii joogto Qaranka (inta badan loogu yeedho “Fasaxa sii joogida”);
2. Qaabka Ilaalinta qofka aan loo aqoonsan qaxoontinimo
3. In aad ka tagto Qaranka ka hor inta aanay Wasaaradu go’aan ka gaadhin xaalada oo ku wargeli Wasaarada qoraal qaban qaabada aad u samaysay ujeedadan;
4. In aad ku ogolaato amarka mastaafurinta 15 maalmood o shaqo gudaheed.

Waxa jira xad wakhti aad u adag oo 15 maalmood oo shaqo gudahood kaas oo codsi kasta oo ogolaalsho sii joogid iyo/ ama qaabka ilaalinta qofka aan la aqoonsan ay tahay in lagu sameeyo. Waa muhiim in aad la xidhiidho Guddida Kaalmada Sharci ama la taliyahaaga sharci ee gaarka ah marka aad hesho wargelinta.

Qaabka Ilaalinta qofka aan la aqoonsan
Qaabka Ilaalinta qofka aan la aqoonsani waxa uu ilaalinayaa dadka halista ugu jira in wax yeelo aada loogu gaysto wadanka ay u dhasheen.

Adeega Dhalashada iyo Socdaalka Ayriskhu (INIS) waxay baadhaaCodsiga Qaabka Ilaalinta qofka aan la aqoonsan. Sidda hadda ka horba la sharaxay INIS warqad bay kuu soo diri doontaa, haddii sheegashadaada ay diiday ORAC ama haddii aad go’aan diidmo ah aad ka hesho RAT. INIS siddoo kale waxay warqad kuugu soo diri doontaa haddii aad haysato Codsiga Fasaxa sii Joogida kaas oo la sameeyay ka hor 30kii Abriil 2009 kaas oo aan weli go’aan laga gaadhin.

Amarka Mastaafurinta
Haddii aan laguu aqoonsan qaxoonti, ama aan lagu siin ogolaalshaha sii joogida Qaranka ama haddii aan lagu siin Qaabka Ilaalinta qofka aan la aqoonsan ama haddii aanad go’aansan in aad ugu noqoto wadankaagii aad u dhalatay si aan khasab ahayn, (dib u celin), waxaa lagugu qaadi doonaa Amarka Mastaafurinta. Haddii lagugu qaaday Amar Mastaafurina waxaa kaa hor iman doona mustaqbalka dhibaatooyin haddii aad isku daydo in aad soo gasho wadan xubin ka ah Midowga Yurub.


Qaabka Qoraalka Weedhka

Buug yarahan waxaa lagu heli karaa isagoo ku qoran fayl Microsoft® Word, haddii aanad haysan barnaamijka aad ku akhrido waxaa aad ka soo dejin kartaa barnaamijka lagu arkaha fasaxa ah Microsoft® Bogga internetka www.microsoft.com/downloads.
Juun 2014