Green Legal Aid Board logo

Access to Justice

 

ADEEGGA SHARCIGA EE QAXOOTIGA

TILMAANTA MACLUUMAADKA EE ARJIILEYAASHA

Waa Maxay Adeegga Sharciga Qaxootiga
Adeegga Sharciga ee Qaxootiga waa xafiis ay sameeyeen Guddiga Caawimaadda Sharciga si loo siiyo adeegyada sharciga ee madaxbanaan dadka magangelyada ku dhex dalbanaya Ireland. Caawimaadda Sharciga iyo talooyinka ayaa laga bixiyaa kiisaska arrimaha la xiriira socdaalka iyo dhoofinta.

Madaxbanaani
Guddiga Caawimaadda Sharciga waxaa uu xor ka yahay hay’adaha sharciga ee ku bixiya arrimaha shacabka adeegyada sharciga.

Qarsoodi
Adeegga Sharciga ee Qaxootiga waxaa uu u fidiyaa dhammaan dadka u qalma ee codsada adeegga arrimaha qarsoodiga ah.

Tijaabada Dakhliga
Si loogu qalmo adeegyada Sharciga, waa in uu dakhligaaga (marka in la oggol yahay laga gooyo) uu ka yar yahay €18,000 sannadkiiba. Haddii aad heshid lacagta Gargaarka Dadweynaha oo kaliya, waxaad guud ahaan u qalmi doontaa adeegyada sharciga adigoo inta ugu yar bixinaya. Haddii aad heshid lacag toos ah aad ka heshid Dawladda (tusaale, jiif iyo cunta oo si toos ah laguu siiyo inta aad qaadan lahayd lacagta gargaarka dadweynaha) waxaad codsi u soo gudbisan kartaa in lagaa saamaxa qaar ka tirsan qaybta aad bixin lahayd, iyadoo ay ku xiran tahay go'aanka Legal Aid Board (Guddiga Gargaarka Sharciga).

Sidee Buu Adeegga Sharciga ee Qaxootiga Kuu Saacidi karayaa ?
Qofkii soo gudbiya dalabka adeegyada sharciga waxaa loo siinayaa gargaarka sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxaa gargaarka loo bixinayaa siyaalaha soo socda :
> Waxaynu guud ahaan saacidaad ka geysanaa arjiga magangelyada innagoo talo kaa siinayna ka hor inta aadan arjigaaga u gudbin Wakiilka Xafiiska Arjiyada Qaxootiga ama ka hor inta aadan tagin wareysiga Xafiiska Wakiilka Arjiyada.
> Waxaad helaysaa turjumaan ballanada aad la leedahay qareenkaaga.
> Waxaynu qoraal u gudbin karnaa Wakiilka Xafiiska Arjiyada Qaxootiga kaasoo aynu ku taageerayno arjigaaga magangelyo.
> Waxaynu kuu helaynaa wakiil inta ka horreysa Racfaanka Maxkamadda Qaxootiga.
> Marka la diido sharciga qaxootinimo, waxaynu kaa saacidi karaynaa gudbinta arjiyada sida waafaqsan Sharciga Socdaalka 1999 iyo arrimaha ka soo ifbaxa.
> Waxaynu kaa saacidi karnaa arrimaha la xiriira amarrada dib u dhoofinta iyo tallaabooyinka Dib u Eegidda Dacwadaha.

Maxaa uu Kaa Doonayaa Xafiiska Adeegyada Qaxootiga?
Haddii aad macaamil ka noqotid Adeegga Sharciga ee Qaxootiga waa in :
> Aad marwalba inala socodsiisid cinwaanka aad ku nooshahay.
> Aad timaadid dhammaan ballanada uu shaqaalaha kiiskaaga kuu qabto ama qareenka Adeegga Sharciga ee Qaxootiga. Waqti xaddidan ayeey wada leeyihiin nidaamka magangelyada iyadoo haddii aad ballanada ku tagi waysid waqtigii loogu talagalay ay keeni karto in Adeegga Sharciga Qaxootiga aysan adeeg kuu qaban kareynin.

Ashtakooyinka
Guddiga waxaa uu ballan qaadayaa adeeg khabiirnimo tayo leh ee dhammaan kiisaska iyadoo oo uu leeyahay qorshe wax looga qabanayo ashtakooyinka dadka magangelyada doonaya. Koobiga qaabka ashtakooyinka ayaad ka helaysaa dhammaan xafiisyada RLS ama xafiiska madaxa Guddiga ama xarun kasta ee sharciga.

Intaa waxaa dheer iyadoo uu jiro guddi gaar ah ee madax bannaan ee loo sameeyey kormeerka tayada iyo helitaanka adeegyada sharciga ee ay Guddiga u fidiyaan codsadeyaasha magangelyada.

Guddiga Kormeerka Madaxbanaan ee Adeegyada Sharciga Qaxootiga waxaa uu soo dhaweynayaa faallooyinka ama waxaa uu u taagan yahay wax ka qabadka ashtakooyinka la xiriira adeegyada ay bixiyaan Adeegga Sharciga ee Qaxootiga.

Macluumaadka Xiriirka Xafiisyada Adeegyada Sharciga ee Qaxootiga
Timberlay House, 79/83 Lwr. Mount St., Dublin 2.
Khadka bilaashka ah : 1800 229222 Taleefanka (01) 6310800 Faakis: (01) 6615011

48/49 North Brunswick Street, Georges Lane, Dublin 7.
Khadka bilaashka ah : 1800 23 83 43 Taleefanka: (01) 6469600 Faakis: (01) 6710200

North Quay House, Popes Quay, Cork.
Khadka bilaashka ah : 1800 202420 Taleefanka: (01) 4554634 Faakis: (021) 4557622

Seville House, New Dock Street, Galway.
Khadka bilaashka ah : 1800 502400 Taleefanka: (01) 562480 Faakis: (091) 562599

Fiiro Gaar ah: Lambarrada khadka bilaashka ah waxaad u maraysaa khadka dhulka mara/ama taleefannada lacagta ah

Macluumaadka Xiriirka Guddiga Kormeerka Madaxbanaan
Secretary of the Independent Monitoring Committee (Xoghaynta Guddiga Kormeerka Madaxbanaan), P.O. Box 9169, Dublin 2
Teleefanka: (01) 6167859


OneGov Website logo