Green Legal Aid Board logo

Access to Justice

 

Nidaamka loomaro Magangalyada

Nidaamka la maro marka laysdhiibo waxa uu go’aan ka gaadhi doonaa inaad tahay qaxoonti iyo in aad ahayn, hadii aad cadayso inaad qaxoonti tahay waxaad yeelan doontaa xuquuq gaar ah oo ay ku jirto in aad degto wadanka Ireland, xuquuqda xubnaha qoyska qaar ka mid ah inay kula dagaan iyo xuquuqda aad u leedahay in aad shaqayso.

Foomka codsiga
Waxa lagaaga baahanyahay inaad buuxiso formka codsiga kaas oo lagaa siin doono xafiiska codsiga qaxoontiga u qaabilsan, waxa laga yaaba inaad buuxisay formka. Docomentigaasi waa salka dacwadaada waxana aad muhiim u ah inaad xisaabta ku dartid sababaha aad kaga timad wadankaagii hooyo, waxa lagaa doonayaa marka aad buuxiso formka kadib inaad dib ugu soo celiso xafiiska qaabilsan codsiga qaxoontiga.

Waxa lagugula talinayaa intaanad buuxin formka codsiga ka hor inaad ka diiwaan gashantahay RLS(Hawlaha sharciyeed ee qaxoontiga).
Xafiiska codsiga qaxoontinimada u qaabilsani hadii uu rumaysto inaa kol hore iska dhiibtay ama aad ka cosatay qaxoontinimo wadan ka mid ah Eu(Midawga Yurub) waxa laga codsanayaa masuuliyiinta wadankaasi inay is keenayaan faraha halkan lagaaga qaaday iyo kuwii hore ama aanay is keenayan. Hadii la helo ina farahaaga xaga iyo intaba is keenaan waxa laysku daya yaa ina laguu badalo wadan kii aad hore uga timid iyada oo aan la tixgalinayn dacwadaada magangalyo. Waxaad fursad u yeelan doontaa inaad racfaan ka qaadato hadii ay taasi soo baxdo.

Xogwaraysi
Marka uu diyaar u noqdo xafiiska qaabilsan codsiyada qaxoontiga in lagaala hadlo codsigaaga waxa laguugu yeedhi doonaa xogwarysi, waa lagu xogwaraysan doonaa, hadii loo baahdo waxa diyaar kuu ah turjumaan.
Xogwarystuhu waxa uu ku waydiin donaa su’aalo salkoodu uu yahay kuwii aad ku qortay codsigaaga (formaka codsiga). Markale waa ina aad xisaabta ku dartaa si buuxda sababta aad wadan kaagii kaga timid iyo sababta aadan ugu noqon karayn.
Warbixin kasta oo banaankaka ah formka cosiga iyo xogwarysiga ma noqonayso mid la tixgaliyo maka xafiiska codsiga qaxoontiga u qaabil sani uu go’aan ka gaadhayo inaad tahay qaxoonti iyo in kale. Waxa nolol ah inaad sheegtid sheekadaada ama taariikhdaada si buuxda halka aad ka sugu lahayd in xogwaraystuhu ku waydiiyo,dhamadka xogwaysiga waxa dib laguugu akhrin doonaa qoraaladii xogwaraysigaasi, waxa lagu waydiin inaad saxiixdo marka aad xaqiijisid inay sax yihiin. Waxa lagu siin doonaa noqul ah xogwaraysigaaga, waxa laguu soo jeedinayaa inaad nuqul kaasi u gudbiso xafiiska howlaha sharciyeed ee qaxoontiga (RLS).Xogwarysiga waxa soo raaca inaad xaq u leedahay inaad usoo gudbiso xafiiska codsiga qaxoontiga u qaabilsan 7ba maalin shaqo gudohood wixii qoraalo ah ee kale hadii aad doonaysid. Xogwaystuhu waxa uu ku waydiin wakhti mucayin ah warbixin iyo dukuminti.
Dukuminti kasto oo aad gudbiso waxa uu kaa saacidayaa codsiga dacwada xalaada qaxoontinimo waxana uu noqon karaa kaalmo wayn.

Go’aanka Xafiiska Codsiyada Qaxoontiga
Todobo maalin shaqo kadib xafiiska cosiyada qaxoontiga u qaabilsani waxa uu samayn doonaa go’aan ah inla sameeyo talo bixin inaad cadaysay inaad tahay qaxoonti, si loo sameeyo go’aanka xafiiska codsiyada qaxoontiga u qaabilsani waxa uu tixgalinayaa qeexida qaxoontinimo.

Qaybta labaad ee qodobka qaxoontiga 1996 waxa laga helayaa in qaxoonti uu yahay:
Qofka cabsi qotadheer ku dhacday ahna mid la dhibaateeyey cabsi jirta oo la dheehan karo ama la heli karo sababo la xidhiidha Jisiga, Diinta, Dhalashadiisa, ka mid ahaansho koox gaar ah ee bulsho, Iyo fikirka Siyaasadeed.Qofkaasi oo jooga meel dibda ka ah wadan kiisii hooyo oo waliba aan doonayn in cabsida haysa awgeed wadankiisii madaama aanuu ka helayn cid ilaalisa. Hadii xafiiska cosiga qaxoontinimada u qaabilsani ku tala bixiyo inaad tahay qaxoonti waxa lagugu sheegi doonaa warqad, markaa kadib waxa aad heli dontaa warqad kale oo lagaaga soo diro wasaarada cadaalada, sinaanta iyo dib u qaabaynta sharciga. Warqadaasi oo lagugu kala dhigdhigi doono xuquuqdaada.

Hadii go’aanku uu noqdo diidmo waxa laguugu sheegi doonaa warqad , waxaad haysataa oo kali ah 10 ama 15 toban maalmood shaqo inaad racfaan ku qaadato hadii aad doonaysid inaad sidaa yeesho. Waxaad leedahay 10 maalmood shaqo marka dacwadaada loo arko mid aan muuqan ama la helayn. Dhanka kale racfaanku waxa uu noqonayaa 15 maalmood shaqo gudahood. Wakhtiga lagu siiyey xad ahaan waa inaad racfaan ku qadataa.
Waa inaad si dhakso ah ula xidhiidhaa RLS (xafiiska howlaha sharciyeed ee qaxoontiga) marka aad ka hesho warqad diidmo ah xafiiska cosiyada qaxoontiga u qaabilsan.

Racfaanka Maxkamada Racfaanka Qaxoontiga
Hadii aad racfaan qaadatid aadna waydiisatid dhagaysi af ah, dhagaysigu waxa uu ka dhici doonaa maxkamada racfaanka horteeda. Dhagaysiga maxkamada racfaanka horteeda ma helaysid hadii xafiiska codsiyada qaxoontiga u qaabilsani go’aansado in dacwadaadu ay noqoto mid aan la helayn ama la waayo oo aan jirin. Hadii ay sidaa dhacdo maxkamadu waxay go’aan ka qaadanaysaa Dukumintiyada adiga ku khuseeya ee loo soodiro.
Racfaanka afeed waa ka duwanyahay xogwaraysigii xafiiska codsiyada qaxoontiga meeshii lagaa xogwaraysan lahaa waxa su’aalo ku waydiin doona la taliyahaaga sharciga, markaa ka dib waxa su’aalo ku waydiin doona wakiilaka xafiiska codsiyada qaxoontiga. Qof ka tirsan maxkamada racfaanaka qaxoontiga oo ah qofka dhagaysanaya gaarayana go’aaanka ayaa su’aalo ku waydiin kara ama laga yaabaa inuu su’aalo ku waydiiyo.

Go’aanka Maxkamada Racfaanka Qaxoontiga:
Maxkamada racfaanka qaxoontiga qof katirsan ayaa soo saari doona go’aanaka tiro usbuucyo ah dhagaysiga dabadii. Go’aanku waxa uu noqon karaa ina lagu talo bixiyo inaad tahay qaxoonti ama inaadan ahayn. Hadii go’aanku noqdo in lagu ogolaaday waxa lagugu sheegi doonaa warqad, waxa kale oo aad ka heli doontaa warqad kale wasaarada cadaalada taasi oo qeexaysa xuquuqdada. Hadii go’aanku uu noqdo diidmo maxkamada racfaanka qaxoontigu waxa ay kugu waanimaysaa waxyaabahan soo socda

Diidmada Qaxootinimo
Hadii lagugu diido racfaanka inaad tahay qaxooti go’aankana aan waxba laga yeeli karayn waxa ay u egtahay inaad warqad ka heli doonto wasaarada cadaalada taasi oo lagu u sheegayo ina wasaaradu damacsantahay in lagu celiyo waxa lagu siindoonaa saddex inaad kala doorato:

1. Inaad soo bandhigtid 15 maalmood shaqo gudahood bandhigyo aad ku sheegayso sababta lagugu ogolaanaayo iyo sababta aad ku joogayso wadankan oo aad usoo gudbinaysid wasiirka

2. Inaad wadankan isaga baxdo ka hor inta wasiirku arintaada go’aan ka gaadhin, waana inaad qoraal kusoo ogaysiisaa wasiirka diyaar garowgaaga arinkaaga.

3. Iyo inaad doonayso amarka dib u celinta 15 maalmood shaqo gudahood.

Xadka 15 Maalmood shaqo gudahood waa muhiim marka codsiyada ogolaanshaha ina la sii joogo la samaynayo.

Amarka Dib u celinta
Hadii aad noqon waydo qaxooti ama laguu ogolado inaad wadanka sii joogto ama aad dooran waydo inaad wadanka isaga baxdo iskaa, waxa lagugu fulinayaa amarka dib u celinta. Marka aad ku jirto qaybtan dib u celinta waxaad la kulmi kartaa dhibaatooyin hadii aad isku daydid inaad gasho wadan ka mid ah EU (midowga Yurub) mustaqbal ka.


OneGov Website logo