We use cookies to give you the best possible online experience. If you continue, we'll assume you are happy for your web browser to receive all cookies from our website. See our Privacy & Cookie policy statement for more information on cookies and how to manage them.

Adeegyada Sharci ee Magangelyada iyo Arimaha la Xidhiidha – Qoraalka Xogta Codsadayaasha

Siddee bay Gudigga Kaalmadda Sharci kuu Caawin Kartaa?
Haddii aad codsi u dirto Adeega Sharci ee la xidhiidha magangekyada, ilaalin dhex dhexaad ah ama arimo la xidhiidha waxa lagu siinayaa kaalmo sidda suuragalka ah ee ugu dhakhsaha badan oo ay ku jirto:

> Talo ka hor inta aanad usoo gudbin su’aalaha xogta ee magangelyadaada Xafiiska Masuulka Codsiyadda Qaxoontiga(ORAC)
> Talo ka hor inta aanad iman waraysigaaga magan gelyada ee ORAC.
> Talo ka hor inta aanad iman wax waraysi ah oo ORAC ah ee ilaalinta dhex dhexaadka ah oo lagu darayo talo la xidhiidha hanaanka cusub ee go’aaminta codsiyadda ilaalinta dhex dhexaadka ah,
> Turjubaanadda ballanada aad la yeelato qareenkaaga,
> Haddii aad codsi u soo qoratay magangelyo Wadan kale oo Midowga Yurub ka tirsan talo ahaan ugu soo gudbiyeen ORAC iyagoo qoran oo taageeraysa codsigaaga magangelyada in go’aan lagaga gaadho Ireland,
> Talo Ka hor iyo wakiilnimada horta Maxkamadda rafcaanka ee Qaxoontiga ay sababtu tahay wax rafcaanakoo ku lid ah go’aanka Masuulika Codsiyadda Qaxoontiga in uu kuu diido magan gelyo ama uu kuu diido ilaalinta dhex dhexaadka ah,
> Talo ka hor iyo wakiilnimadda Maxkamadda Degmadda haddii lagugu xidhay shuruudo gaar oo Xeerka Qaxoontiga ah 1996 [Gudigga Kaalmadda Sharci kaama wakiil noqon karto halka lagugu eedaynayo falk dambiilanimo],
> Kaalmadda gudbinta cosdiyadda fasaxa in aad joogto, iyo
> Talo la xidhiidha amaradda mastaafurinta.

Muxuu Guddiga Kaalmadda Sharci Adiga kaaga Baahanyahay?
Haddii aad macmiil u noqoto Guddiga Kaalmadda Sharci waa in aad:

> Aad ku wargelisaa Guddiga Kaalmadda Sharci wakhti walba cinwaankaaga hadda.
> Aad timaadaa dhamaan ballamaha laguu soo habbeeyay maxaa yeelay wakhtiyada xaddidan ee go’ani waxay ku habboon yihiin dhamaan hanaanka magangelyada iyaddoo la iman waayo ballamahuna waxay ka dhigantahay in Guddiga Kaalmadda Sharci aan ku siin karin adiga adeeg.

Madax banaani
Guddiga Kaalmadda Sharci waa hay’ad sharci oo madax banana oo bixinaysa adeegyada sharci ee arimaha madaniga ah.

Qarsoodi
Guddiga Kaalmadda Sharci Waxa ay siisaa adeeg qarsoodi ah dhamaan dadka xaqa u leh ee soo codsada .

Habka Tijaabadda & ku tabaruca
Si aad xaq ugu yeelato adeegyada sharci, dakhligaagu(qaar ka yar gunnooyinka) waa in uu ka yaraadaa €18,000 sanadkii.

Codsayaasha adeegyada magangelyo waxay bixinayaa lacag tabaruc ah oo €10 wadarta guud adeega sharic iyo xidhiidhka kiiska horta Xafiiska Codsiyadda Masuulka Qaxoontiga ama Maxkamadda Rafcaanada Qaxoontiga. Lacag tabaruca oo dheeraada ayaa la siinayaa adeega sharci sidda arin kasta horta Maxkamadda Sare.

Haddii aad leedahay ilo raasamaal oo ka badan €4,000 (oo aanu ku jiirn gurigaagu) waxaa dhici karta in aad bixiso tabaruc dheeraada ah.

Haddii raashin iyo kaalmo toos ah aad ka qaadato Dawlada ( tusaale, hoy iyo cuntooyin toos laguu siiyo bedelka lacagtii caydha) waxaad codsan kartaa in in tabaruca qaar lagaa dhaafo, iyaddoo waafaqsan anshaxa Guddiga Kaalmadda Sharci.

Cabashooyinka
Guddiga Kaalmadda Sharci waxaa ka go’an bixinta adeegyo, xirfadeed oo tayo leh dhamaan kiisaska waxaana u diyaara qaban-qaabopyinka rasmiga ah oo ay wax kaga qabanayso cabasha kasta oo ka timid dadka magangelya doonka. Nuqul hanaanka cabashooyinku ayaa laga heli karaa xafiiskayaga Guddiga Kaalmadda sharci(Legal Aid bord office) ama xafiiska wayn ee Guddiga ama xarun kasta oo sharci.

Faahfaahinta la Xidhiidhka xarumaha sharci halkaas oo Guddiga Kaalmadda Sharci ay ku bixiso adeegyo sharci oo magangelyada ah iyo arimaha la xidhiidha:

Dublin:
Smithfield law centre, 48/49 North Brunswick Street, Georges Lane, Dublin 7.
Telefoon lacag la’aana: 1800 23 83 43 Telefoon: (01) 6469600(01) 6469600 Fagas: (01) 6710200(01) 6710200 iimayl: Smithfieldlawcentre@legalaidboard.ie

Cork:
North Quay House, Popes Quay, Cork.
Telefoon lacag la’aana: 1800 202420 Telefoon : (021) 4554634(021) 4554634 Fagas: (021) 4557622(021) 4557622
iimayl:lawcentrecorknorth@legalaidboard.ie.

Galway:
Seville House, New Dock Street, Galway.
Telefoon lacag la’aana: 1800 502400 Telefoon: (091) 562480(091) 562480 Fagas: (091) 562599(091) 562599
email:lawcentresevillehouse@legalaidboard.ie.

Ogow: Gelidda lambarada telefoon lacag la’aanta waa telefoonka laynka ah/telefoonka lacagta la bixiyo oo keliya

Qaab word ah
Faylka hoose waa fayl Microsoft® Word. Haddii uu kaa maqan yahay softwareerku si aad u furto waxaad ka soo dejisan kartaa lagu arkaha bilaashka ah ee Microsoft® website www.microsoft.com/downloads.